Tuesday, November 16, 2021

Maxaad dooneysaa in aad ka oggaato lamaanaha loo doortay xildhibaanno golaha deegaanka ee Qardho?


Lamaane isku soo sharraxay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Qardho ayaa labadooduba loo doortay xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka. Xasan Ciise iyo xaaskiisa Faaiso Said Cali, ayaa ka sharraxanaa urur siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiye madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Marwo Faaiso Siciid Cali, ayaa ah Guddoomiyaha haweenka degmada Qardho, halka Xasan Ciise uu ka mid ahaa xildhibaannada golihii deegaanka degmada ee lagu soo xuli jiray nidaamka qabaa’ilka ee deegaanka. Waxaana uu ka shaqeynayay dhinaca amniga ee degmada.

Xasan Ciise ayaa fursad cajiib ah ku sifeeyay guusha isaga iyo xaaskiisa, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay u kala duwantahay doorashada shacabka iyo magacaabis uu kaga mid noqonayo golaha deegaanka oo ku saleysan nidaamka qabiilka.

“Isku mid ma ahan qof ay soo doorteen ummadiisa iyo qof ay soo xuleen qabiilkiisa”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Marwo Faaiso Siciid Cali, ayaa dhinaceeda guushooda ku sifeysa fursad qaali ah oo aan la heli karin oo horumar u ah dhammaan bulshada degmada Qardho.

“Maanta waxaan kusoo baxnay doorasho qof iyo cod ah oo aan annaga isku codeynay. Waa fursad aan dadka ku weydiisanay in ay codkooda na siiyaan si aan wax ugu qabano, iyagana ay berri nagula xisaabtamaan”

Marwo Faaiso wey rajeyneysay in iyada iyo xaajigeeda ay kusoo bixi karaan doorashada iyadoo ku kalsooneyd doorkoodii dhinaca horumarinta arrimaha bulshada ee degmada, madaama ay aheyd Guddoomiyaha haweenka degmada Qardho halka xaajigeeda uu ahaa mid kamid ah xildhibaannadii golaha deegaanka ee qaabilsanaa dhinaca amniga ee degmada.

Arrinta kale ee caawisay lamaanahan ayaa aheyd markii marwo Faa’iso ay ololeynesay in ay dadka u sheegeysay in iyada iyo xaajigeeda ay sharraxanyihiin, sidaasi awgeedna ay dooneyso in la wada doorto, madaama dadkii codeynayay ay u badanaayeen haweenka iyo dhallinyaradda.

Marwo Faaiso, oo sidoo kale ah hooyo ayaa aaminsan in hooyanimada aysan haweenka ka hor-joogsaneynin in ay ka dhabeeyaan hamigooda dhinaca siyaasadda, iydoona ku dhiiragelisay in haweenka ay kusoo biiraan siyaasadda.

“Anniga oo heysta guri iyo carruur ayaa haddana xili kasta waxaan u taaganahay sidii aan uga shaqeyn lahaa arrimaha bulshada. Fikir macaquul ah ma ahan dadka dhahaya haddii aad carruur leedahay ma shaqeyn kartid, waxaan haweenka ku baraarujinayaa in ay ku biiraan siyaasada”

“Wax cajiib ah ayey aheyd qaabkii cododka aan ugu doonan jirnay dadka. Markii ay soo dhowaatay dooraashada waxaan bilaabay in aan guryaha garaaco oo aan dhaho, guddoomiyaha urrurka haweenka ayaan ahay, anniga iyo odeygeyga ayaa sharraxan, waxaan rabnaa in aad codkiina na siisaan. Shalay shaqaddaasi ayaan qabtay berrina wax ka badan ayaan qabanayaa.”

Marwo Faaiso Siciid Cali, oo u mahadcelineysa hoggaanka ururkeeda ayaa sheegtay in la siiyay fursad ay ku riyoon jirtay oo aheyd in ay kamid noqoto xildhibaannada golaha deegaanka. Marwada ayaa aaminsaneyd in fursadaasi aysan heleyn inta xildhibaannada lagu soo xulayo nidaamka qabiilka.

“Gabar ayaan ahay, hab qabiil ayaana markii hore wax lagu soo xuli jiray, waxaa dhici jirtay in beel ahaan aan la ii oggoleyn laakiin hadda markii aan ururka ka codsanay in labadeenuba aan sharraxanahay wax dood ah nagalama gelin in aan tartanno”.

Haweenka ayaa ku dulmanaan jiray doorashooyinkii dadbanaa ee ka dhacayay inta badan deegaannada Soomaalidda, iyagoo aan ka heli jirin kuraasta ay rabaan taas bedelkeedana waxaa kuraastooda qaadan jiray ragga iyagoo adeegsanaya dhaqaallo iyo odayaasha qabiilka ee soo xulaya ergo ama musharraxiin.

Guusha lamaanahan ayaa aad usoo jiidatay warbaahinta iyo daneeyayaasha arrimaha doorashada, maadaama deegaannada Soomaalidda intooda badan ay ka dhici jireen doorashooyin aan toos aheyn oo ay adkeyd in lamaanahan oo kale ay kusoo baxaan dadaalka iyo mira dhalka horumarinta deegaankooda.

Todobaadkii ugu dambeeyay ee bishii October 2021, ayaa doorashadooyinkii ahaa Qof iyo Cod ay ka dhaceen saddex degmo oo kala ah Ufeyn oo Barri ah, Qardho oo Karkaar ah iyo Eyl oo Nugaal.

Doorashooyinkaasi oo ahaa kuwo taariikhi ah ayaa haweenka waxaa liisaska xiran ay ka galeen meelo wanaagsan, tusaale ahaan Qardho ayay ka heleen 27% xubnaha lasoo doortay, EYL & Ufeyna 22% taas oo ka dhigan in xubnaha la doortay 24% ay haween yihiin, sheekada xiisaha leh waa in 85% dadka la doortay oo dhan ay dhallinyarro yihiin.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Somali Public Agenda: Casharradii laga bartay doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka


Somali Public Agenda (SPA) oo ah hay’ad aan macaash-doon ahayn oo ka shaqeysa cilmi-baarista arrimaha jaangoynta iyo maareynta siyaasadaha dalka, ayaa shaacisay cilmi-baaris ku saabsan casharradii laga bartay doorashadii Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la soo gabo-gabeeyay 13-kii November 2021-ka, waxaana Aqalkan oo ka kooban 54-xubnood uu wakiil ka yahay dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Baarlamaannada maamul-gobolleedyada ayaa soo doortay xildhibaannada Aqalka Sare, waana sidii dhacday doorashadii hore ee 2016. Madaxweynaha maamulka ayaa musharraxa kursi kasta u gudbiyay baarlamaanka maamulkiisa.

Markii hore waxaa la qorsheeyay in doorashada baarlamaanteeriyaanka ay noqoto Qof iyo Cod, iyadoo uu hormuud ka yahay Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC). Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ay dhammaanayso afarta sano ee xilka dastuuriga ah ee hay’addaha dowladda federaalka sannadkii 2020, ayaa waxaa soo baxday in ay caddaatay in aysan macaquul aheyn doorasho Qof iyo Cod ah.

Inta badan madaxda dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka (FMS), ayaa door biday ama u ololeeyay in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, si ay saameyn awoodeed ugu yeeshaan dhismaha baarlamaan cusub.

intii uu socday shirkii saddexaad ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-gobolleedyada ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb bishii Ogosto 2020 (iyadoo ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka qeyb-galkooda uu shuruud ku xiray in la magacaabo Ra’iisul wasaare ka hor kulanka), madaxdii ka qeyb gashay ayaa ugu dambeyntii isku raacay in la aado doorasho dadban, taas oo si wax ku ool ah meesha uga saartay dadaalkii Villa Somalia ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah.

Heshiiskii Muqdisho ee bishii Sebtember ee sannadkii 2020 ayaa waxaa ku jiray faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. Heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in hannaanka doorashada Aqalka Sare uu noqdo mid la mid ah kii 2016-ka, iyadoona uu soo dooran doono baarlamaannada maamul-gobolleedyada.

Muddo siddeed bilood oo uu taagnaa khilaafaad siyaasadeed iyo hubanti la’aan (oo ay ku jiraan isku dayga laba sano oo muddo kordhinta iyo isku-dhacyo hubaysan oo ka dhacay Muqdisho), xubno ka tirsan Golaha wadatashiga Qaranka (NCC) ayaa saxiisay heshiis uu xiligaa ka maqnaa madaxweyne Farmaajo, kaas oo ahaa mid nooc ahaan la is waafajiyay is-afgaradyadii Sebtembar 17, 2020 iyo February 16 2021, heshiisyadii guddiga farsamada ee Baydhabo, heshiiska la is waafajiyay ayaa sidoo kale sii caddeeyay in doorashada Aqalka Sare ay noqoto mid la mid ah tii dhacday sannadkii 2016.

Hannaanka doorashada Aqalka Sare ayaa ka koobnaa dhowr lakab iyo tillaabo.

Ugu horeyn, mid kasta oo kamid ah guddoomiyeyaasha baarlamaannada dowlad-gobolleedyada ayaa magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare, kuwaas oo u xil-saaran maaraynta doorashooyinka Aqalka Sare.

Labo, madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada waxay magacaabeen musharrixiinta u tartameysa 54-ta kursi ee Aqalka Sare – Somaliland (11), Puntland (11), Jubaland (8), Koonfur Galbeed (8), Galmudug (8), iyo Hirshabeelle (8). Marka saddexaad, magacyadan waxaa loo gudbiyay golaha sharci-dejinta ee maamul-gobolleedka si ay u doortaan.

Doorashada wakiillada gobollada-waqooyi ee Somaliland ayaa loo doortay si gaar ah, kaddib khilaaf soo jiitamay oo u dhexeeyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isku af-gartay in ay si wada-jir ah usoo magacaabaan musharraxiinta mid kasta oo kamid ah 11-ka kusi ee gobolladaasi ay ku leeyihiin golaha Aqalka Sare.

Markii si kala gaar ah ay usoo magacaabeen muwsharraxiin kaddib ayaa liiska loo gudbiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Si ka duwan deegaannadii kale oo baarlamaannadooda ay doorteen Senatarrada Aqalka Sare, halkan 46 ergey oo ka booban (23 oday iyo 23 xubnood oo ka socday bulshada rayidka ah ee Somaliland) ayaa si wada jir ah u doortay kuraasta Somaliland, halka guddiga doorashada dadban ee Somaliland ay (SEIT) ay maamulaysay hawshaasi.

Musharrax kasta waxaa laga doonayey in uu ka weynaado da’da 25 jir, uuna bixiyo $20,000 oo ah lacagta diiwaan-gelin ah oo aan dib loo soo celin karin (Musharrixiinta haweenka ayaa laga dhaafay 50% ama $10,000, sida uu dhigayo heshiiska doorashada dadban). Si kastaba ha ahaatee, shuruudaha ugu muhiimsan ee siyaasi kasta oo doonayay xubinimada senate-ka, waxaa ay aheyd in lagu qanciyo madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada inay ku daraan isaga ama iyada liiska loo diray baarlamaanka maamul-gobolleedya si ay uga qeyb-galaan doorashada.

Habka doorashada xubnaha Aqalka Sare loo qorsheeyay ma uusan aheyn mid lamid ah hannaankii doorashadii hore ee 2016-ka (marka laga reebo in la kordhiyo khidmadda is-diiwaangelinta ragga oo sannadkii 2016 aheyd $10,000 sannadkan 2021-tana laga dhigay $20,000 iyo musharraxiinta dumarka ah oo diiwaan-gellintooda aheyd sannadkii 2016 $5,000 ayaa sannadkan 2021 la gaarsiiyay $ 10,000), waxaa jiray kala duwanaansho kale oo xusid mudan.

Marka hore, si ka duwan tii 2016-kii, qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa door biday in ay qaban-qaabiyaan doorashada kuraasta qaar iyo in ay dib-u-dhigaan doorashada kuraas kale.

Tusaale ahaan, Jubbaland ayaa markii hore qabatay doorashada afar kursi; Galmudug ayaa soo qaban qaabisay doorashada 6 kursi, halka Koonfur Galbeed ay qabatay doorashada 5 kursi. Hannaankan ayaa dheereeyay wakhtiga doorashada la filayay in la soo afmeero.

Tusaalaha ugu muhiimsan ayaa ah in Jubaland ay dooratay afar kursi oo Aqalka Senate-ka ah dabayaaqadii bishii Luulyo 2021 halka 4-ta kursi ee soo hartay la doortay dabayaaqadii Oktoobar 2021, ku dhawaad seddex bilood kaddib.

Midda labaad, sida guddiyada baarlamaannada maamul-gobolleedyada ay mas’uul uga ahaayeen jadwalka doorashada Aqalka Sare ma ahayn mid waafaqsan nidaamka doorashadii hore ee 2016-ka. 11-ka senator ee maamulka Puntland ayaa la doortay hal maalin. Guddiga doorashada Somaliland ee SEIT ayaa doorashada kusoo gabo-gabeeyay muddo labo maalmood ah, halka Galmudug iyo Koonfur-Galbeed ay kusoo gabo-gabeeyeen doorashada lix iyo shan senator hal maalin. Doorashada ayaa xili habeen ah ka dhacday Hirshabelle, iyadoo howlaha doorashada ay ahaayeen kuwo gaabis ah.

Tusaale ahaan, markii hore waxaa la doortay saddex kursi, laakiin baarlamaanka ayaa markii dambe abaabulay hal kursi ilaa labo kursi in la doorto maalintii taas oo qaadatay todobaadyo in lagu soo afmeero doorashada.

Waxaa baaqday codeynta iyo ku dhawaaqista natiijada hal kursi oo ka tirsan Hirshabeelle, kadib buuq iyo qalqal ay sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaannada dowlad-gobolleedka, kaddib wareegii koowaad ee codeynta ka hor inta aan la shaacinin natiijadda. Arrinta seddexaad, marka laga reebo Hirshabeelle ma dhicin tartan furan oo inta badan natiijadii doorashada waxay aheyd mid la sii ogyahay ka hor doorashada.

28 kursi oo keliya ayaa doorashadooda waxaa ay aheyd mid si furan loogu tartamay. Inta badan musharrixiinta 54-ta kursi ayaa ahaa malxiin (Waa erey ku cusub qaamuuska siyaasadda Soomaalidda) malxiisyada siyaasadda ayaa khudbadahooda ka tanaasulay taas oo ka dhigtay musharraxii la sii oggaa in uu kusoo baxayo doorashada uu si fudud ku helay aqlabiyada xildhibaannada wax dooranaya.

26-ka malxiin ee ka taasulay doorashada ayaa 9 kamid ah waxaa ay ahaayeen Puntland (dhammaan malxiisiinta sagaalka kursi ayaa tanaasulay ka hor codeynta dooroashadda), 8 kamid ah malxiisiinta waxaa ay ahaayeen Galmudug (dhammaan siddeeda kursi ee Galmudug laguma tartamin), 6 kamid ah waxaa ay ahaayeen Somaliland( ku dhowaad nus kamid ah kuraasta ayaa lagu tartamay), labo kamid ah malxiisiinta waa Jubbaland, halka hal malxiin uu aha maamulka Hirshabelle.

Tani waxay muujinaysaa sida madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada ay u maareeyeen habka iyo sida loo sii go’aamiyay natiijada inta badan kuraasta Aqalka Sare.

Halkan kala soco qeyb-ta labaad ee carasharrada oo aan ku eegi doono doorka madaxda maamul-gobolleedyada:

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Sunday, November 7, 2021

Barakace aan isticmaalin baraha bulshada oo loo doortay xildhibaan golaha deegaanka Puntland

Muxsin Cabdullahi Xaaji, oo kamid ahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa kusoo baxay doorashadii aheyd qof iyo cod ee golaha deegaanka ee dhowaan ka dhacday saddex degmo oo ka tirsan maamulka Puntland.

Muxsin oo ku dhashay deegaanka Qalaafe ee dalka Itoobiya kaddibna waxbarasho u tagay dalka Kenya ayaa shan sanno ka hor yimid magaalada Qardho, halkaasi oo uu ka bilaabay shaqooyin kale duwan oo ay kamid ahaayeen taxsiile iyo macalin carruurta barakacayaasha ah bara diinta iyo maadoyinka kale.

Bishii todobaad ee sannadkan 2021 ayuu ku biiray urur siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, kaddib markii uu arkay duruufta heysata dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka ku yaalla magaalada iyo metelaad la’aanta ku heysta ururrada siyaasadda ee isku diyaarinayay doorashadii golaha deegaanka. Waxa uu sheegay in markiisii hore uusan fileyn in uu ku guuleysan karayo doorashada balse markii dambe uu dhiirigelin ka helay riyo ahayd in uu doorashada ku guuleysan doono, taa oo sida uu sheegay u rumowday Alle-bari badan kaddib.

“Aniga ma fileyn balse iyada oo doorashada ay ka dhiman tahay dhawr isbuuc baa aniga oo ka fikirahayo doorashada in aan ku soo bixi doono mise waayi doono, baa qoyskii aan la noolaa habeen habeennada ka mid ah waxay igu tiri waxaan ku riyooday adiga oo meeshaas joogo oo iska raaxeysanaya.

“Markii dambana anigana waan abshireystay, waan tukaday. Habeen Jimca ah bey ahayd ilaa iyo dhawr sunno ah baan tukaday, kaddibna waan isa siiyay oo xagga Ilaahey baan ka rajeeyay, ilaaheyna wuu ii hirgeliyay,” ayuu yiri Muxsin.

Muxsin oo hadda kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee degmada Qardho ayaa sheegay in uusan isticmaalin baraha bulshada, uusana heysan teleefoonnada caaqilka ah ee Smartphones-ka balse waxaa uu rajeynayaa in bishan gudaheeda uu iisbsan doono teleefoon kaddibna uu kusoo biiri doono baraha buslshada.

Balse taas bedelkeeda waxaa uu sameeyay arrin kale oo uu si weyn u xusay in ay ka qeyb-qaadatay guushiisa doorashada isaga oo dhinaca kale aan dafirin muhiimada wanaagsan ee barabaha bulshada maanta ay u leedahay siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Carruurtii uu macalinka u ahaa waalidiintooda ayuu mid mid ugu tagay kaddibna uu ka codsaday in ay codkooda siiyaan, madaama uu doonayo in uu wax u qabto dadka uu la noolyahay, sidoo kale Muxsi ayaa maalin maalmaha ka mid ah kulan wadajir ah la qaatay waalidiinta halkaasi oo uu sheegay in uu ka helay dhiira-gelin ku aadan ololihiisa doorashada golaha deegaanka.

“Wax badan ayey ii baahnaayeen in aan carruurtooda waxbaro balse annigana waxaan u sheegay in maanta aan uga baahanahay codkooda. Markii hore waxaa ay islahaayeen maanta macalinka ma waxaa uu idin weydiin doonaa lacag mise kaalmo kale base waxaan weydiistay in aan codkooda marti uga ahay oo ay codkooda igu caawiyaan oo aan ahay musharrax u taaggan golaha deegaanka ee degmada, runtii aad ayey iigu raaceen. Halkaasi kuma aan istaagin ee dad kale ayaan u dirin mid kasta oo kamid ah waalidiinta si ay ugu adkeeyaan ballanta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Muxsin ayaa qorshihiisa koowaad ah in dadka barakacayaasha ah uu ka caawiyo dhinaca guryenta madaama ay ku noolyihiin meel iska yara caddiban oo waxay ku nool yihiin sandaqado, marka qabowgana dhaxan ayey noqdaan, xilliyada kulleelka ahina kuleel ayey isu badalaan, ayuu yiri.

Saddexda urur siyaasadeed waxaa ka sharraxnaa musharraxiin kale oo isaga lamid ah oo hankooda ahaa in ay kusoo baxaan doorashadii taariikhiga aheyd ee ka dhacday degmada Qardho.

Guusha Muxsin ayaa dad badan ka baran doonaan in la guuleysan karo haddii aadan isticmaalin baraha bulshada, inkasta oo ay xusid mudantahay kaalinta baraha bulshada ee dhinca ololaha. Ugu dambeyn maamulka Puntland ayaa lagu ammaanay doorkii ay siiyeen dadka barakacayaasha marka loo eego kuwa codeeyay iyo midka la doortay taas oo dhinaca kale tusaale wanaagsan u noqon doonta maamuladda kale ee xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia