Muxsin oo ku dhashay deegaanka Qalaafe ee dalka Itoobiya
kaddibna waxbarasho u tagay dalka Kenya ayaa shan sanno ka hor yimid magaalada
Qardho, halkaasi oo uu ka bilaabay shaqooyin kale duwan oo ay kamid ahaayeen
taxsiile iyo macalin carruurta barakacayaasha ah bara diinta iyo maadoyinka
kale.
Bishii todobaad ee sannadkan 2021 ayuu ku biiray urur
siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi
Deni, kaddib markii uu arkay duruufta heysata dadka barakacayaasha ah ee ku
nool kaamamka ku yaalla magaalada iyo metelaad la’aanta ku heysta ururrada
siyaasadda ee isku diyaarinayay doorashadii golaha deegaanka. Waxa uu sheegay
in markiisii hore uusan fileyn in uu ku guuleysan karayo doorashada balse
markii dambe uu dhiirigelin ka helay riyo ahayd in uu doorashada ku guuleysan
doono, taa oo sida uu sheegay u rumowday Alle-bari badan kaddib.
“Aniga ma fileyn balse iyada oo doorashada ay ka dhiman
tahay dhawr isbuuc baa aniga oo ka fikirahayo doorashada in aan ku soo bixi
doono mise waayi doono, baa qoyskii aan la noolaa habeen habeennada ka mid ah
waxay igu tiri waxaan ku riyooday adiga oo meeshaas joogo oo iska raaxeysanaya.
“Markii dambana anigana waan abshireystay, waan tukaday.
Habeen Jimca ah bey ahayd ilaa iyo dhawr sunno ah baan tukaday, kaddibna waan
isa siiyay oo xagga Ilaahey baan ka rajeeyay, ilaaheyna wuu ii hirgeliyay,”
ayuu yiri Muxsin.
Muxsin oo hadda kamid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee
degmada Qardho ayaa sheegay in uusan isticmaalin baraha bulshada, uusana heysan
teleefoonnada caaqilka ah ee Smartphones-ka balse waxaa uu rajeynayaa in bishan
gudaheeda uu iisbsan doono teleefoon kaddibna uu kusoo biiri doono baraha
buslshada.
Balse taas bedelkeeda waxaa uu sameeyay arrin kale oo uu si
weyn u xusay in ay ka qeyb-qaadatay guushiisa doorashada isaga oo dhinaca kale
aan dafirin muhiimada wanaagsan ee barabaha bulshada maanta ay u leedahay
siyaasiyiinta iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Carruurtii uu macalinka u ahaa waalidiintooda ayuu mid mid
ugu tagay kaddibna uu ka codsaday in ay codkooda siiyaan, madaama uu doonayo in
uu wax u qabto dadka uu la noolyahay, sidoo kale Muxsi ayaa maalin maalmaha ka
mid ah kulan wadajir ah la qaatay waalidiinta halkaasi oo uu sheegay in uu ka
helay dhiira-gelin ku aadan ololihiisa doorashada golaha deegaanka.
“Wax badan ayey ii baahnaayeen in aan carruurtooda waxbaro
balse annigana waxaan u sheegay in maanta aan uga baahanahay codkooda. Markii
hore waxaa ay islahaayeen maanta macalinka ma waxaa uu idin weydiin doonaa
lacag mise kaalmo kale base waxaan weydiistay in aan codkooda marti uga ahay oo
ay codkooda igu caawiyaan oo aan ahay musharrax u taaggan golaha deegaanka ee
degmada, runtii aad ayey iigu raaceen. Halkaasi kuma aan istaagin ee dad kale
ayaan u dirin mid kasta oo kamid ah waalidiinta si ay ugu adkeeyaan ballanta”
ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Muxsin ayaa qorshihiisa koowaad ah in dadka barakacayaasha
ah uu ka caawiyo dhinaca guryenta madaama ay ku noolyihiin meel iska yara
caddiban oo waxay ku nool yihiin sandaqado, marka qabowgana dhaxan ayey
noqdaan, xilliyada kulleelka ahina kuleel ayey isu badalaan, ayuu yiri.
Saddexda urur siyaasadeed waxaa ka sharraxnaa musharraxiin
kale oo isaga lamid ah oo hankooda ahaa in ay kusoo baxaan doorashadii
taariikhiga aheyd ee ka dhacday degmada Qardho.
Guusha Muxsin ayaa dad badan ka baran doonaan in la
guuleysan karo haddii aadan isticmaalin baraha bulshada, inkasta oo ay xusid
mudantahay kaalinta baraha bulshada ee dhinca ololaha. Ugu dambeyn maamulka
Puntland ayaa lagu ammaanay doorkii ay siiyeen dadka barakacayaasha marka loo
eego kuwa codeeyay iyo midka la doortay taas oo dhinaca kale tusaale wanaagsan
u noqon doonta maamuladda kale ee xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.
Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

No comments:
Post a Comment