Lamaane isku soo sharraxay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Qardho ayaa labadooduba loo doortay xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka. Xasan Ciise iyo xaaskiisa Faaiso Said Cali, ayaa ka sharraxanaa urur siyaasadeedka KAAH ee uu hoggaamiye madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Marwo Faaiso Siciid Cali, ayaa ah Guddoomiyaha haweenka degmada Qardho, halka Xasan Ciise uu ka mid ahaa xildhibaannada golihii deegaanka degmada ee lagu soo xuli jiray nidaamka qabaa’ilka ee deegaanka. Waxaana uu ka shaqeynayay dhinaca amniga ee degmada.
Xasan Ciise ayaa fursad cajiib ah ku sifeeyay guusha isaga iyo xaaskiisa, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay u kala duwantahay doorashada shacabka iyo magacaabis uu kaga mid noqonayo golaha deegaanka oo ku saleysan nidaamka qabiilka.
“Isku mid ma ahan qof ay soo doorteen ummadiisa iyo qof ay soo xuleen qabiilkiisa”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Marwo Faaiso Siciid Cali, ayaa dhinaceeda guushooda ku sifeysa fursad qaali ah oo aan la heli karin oo horumar u ah dhammaan bulshada degmada Qardho.
“Maanta waxaan kusoo baxnay doorasho qof iyo cod ah oo aan annaga isku codeynay. Waa fursad aan dadka ku weydiisanay in ay codkooda na siiyaan si aan wax ugu qabano, iyagana ay berri nagula xisaabtamaan”
Marwo Faaiso wey rajeyneysay in iyada iyo xaajigeeda ay kusoo bixi karaan doorashada iyadoo ku kalsooneyd doorkoodii dhinaca horumarinta arrimaha bulshada ee degmada, madaama ay aheyd Guddoomiyaha haweenka degmada Qardho halka xaajigeeda uu ahaa mid kamid ah xildhibaannadii golaha deegaanka ee qaabilsanaa dhinaca amniga ee degmada.

Arrinta kale ee caawisay lamaanahan ayaa aheyd markii marwo Faa’iso ay ololeynesay in ay dadka u sheegeysay in iyada iyo xaajigeeda ay sharraxanyihiin, sidaasi awgeedna ay dooneyso in la wada doorto, madaama dadkii codeynayay ay u badanaayeen haweenka iyo dhallinyaradda.
Marwo Faaiso, oo sidoo kale ah hooyo ayaa aaminsan in hooyanimada aysan haweenka ka hor-joogsaneynin in ay ka dhabeeyaan hamigooda dhinaca siyaasadda, iydoona ku dhiiragelisay in haweenka ay kusoo biiraan siyaasadda.
“Anniga oo heysta guri iyo carruur ayaa haddana xili kasta waxaan u taaganahay sidii aan uga shaqeyn lahaa arrimaha bulshada. Fikir macaquul ah ma ahan dadka dhahaya haddii aad carruur leedahay ma shaqeyn kartid, waxaan haweenka ku baraarujinayaa in ay ku biiraan siyaasada”
“Wax cajiib ah ayey aheyd qaabkii cododka aan ugu doonan jirnay dadka. Markii ay soo dhowaatay dooraashada waxaan bilaabay in aan guryaha garaaco oo aan dhaho, guddoomiyaha urrurka haweenka ayaan ahay, anniga iyo odeygeyga ayaa sharraxan, waxaan rabnaa in aad codkiina na siisaan. Shalay shaqaddaasi ayaan qabtay berrina wax ka badan ayaan qabanayaa.”
Marwo Faaiso Siciid Cali, oo u mahadcelineysa hoggaanka ururkeeda ayaa sheegtay in la siiyay fursad ay ku riyoon jirtay oo aheyd in ay kamid noqoto xildhibaannada golaha deegaanka. Marwada ayaa aaminsaneyd in fursadaasi aysan heleyn inta xildhibaannada lagu soo xulayo nidaamka qabiilka.
“Gabar ayaan ahay, hab qabiil ayaana markii hore wax lagu soo xuli jiray, waxaa dhici jirtay in beel ahaan aan la ii oggoleyn laakiin hadda markii aan ururka ka codsanay in labadeenuba aan sharraxanahay wax dood ah nagalama gelin in aan tartanno”.
Haweenka ayaa ku dulmanaan jiray doorashooyinkii dadbanaa ee ka dhacayay inta badan deegaannada Soomaalidda, iyagoo aan ka heli jirin kuraasta ay rabaan taas bedelkeedana waxaa kuraastooda qaadan jiray ragga iyagoo adeegsanaya dhaqaallo iyo odayaasha qabiilka ee soo xulaya ergo ama musharraxiin.
Guusha lamaanahan ayaa aad usoo jiidatay warbaahinta iyo daneeyayaasha arrimaha doorashada, maadaama deegaannada Soomaalidda intooda badan ay ka dhici jireen doorashooyin aan toos aheyn oo ay adkeyd in lamaanahan oo kale ay kusoo baxaan dadaalka iyo mira dhalka horumarinta deegaankooda.
Todobaadkii ugu dambeeyay ee bishii October 2021, ayaa doorashadooyinkii ahaa Qof iyo Cod ay ka dhaceen saddex degmo oo kala ah Ufeyn oo Barri ah, Qardho oo Karkaar ah iyo Eyl oo Nugaal.
Doorashooyinkaasi oo ahaa kuwo taariikhi ah ayaa haweenka waxaa liisaska xiran ay ka galeen meelo wanaagsan, tusaale ahaan Qardho ayay ka heleen 27% xubnaha lasoo doortay, EYL & Ufeyna 22% taas oo ka dhigan in xubnaha la doortay 24% ay haween yihiin, sheekada xiisaha leh waa in 85% dadka la doortay oo dhan ay dhallinyarro yihiin.
Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

No comments:
Post a Comment